Tuesday, June 24, 2025

Jaamac M. Qaalib oo 24 saac ka yar iska casilay xilkii uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay [Akhriso]

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu is casilay guddoomiyihii Guddiga Taakuleynta ciidamada ee uu xalay Magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Gen. Jaamac Maxamed Qaalib ayaa la sheegay inuu istiqaaladiisa u gudbiyay Madaxweyne Farmaajo isagoo ka cudurdaartay xilka cusub ee uu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo u magacaabay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xaflad ka dhacay Dugsiga Sare ee Booliska Muqdisho uga dhawaaqay Guddigan oo la sheegay inuu dhaqaale u ururinayo ciidmada Qalabka sida, waxaase dhacday in guddoomiyaha Guddiga oo hore u ahaa Guddoomiyihii guddiga Doorashada Somaliland, kana tirsanaa Isbaheysigii Asmara ee maxkamadaha islaamiga inuu xilkan iska casilo.

Gen. Jaamac Maxamed Qaalib ayaa ku sugnaa xafladii looga dhawaaqay magacaabidiisa, isagoo garab taagnaa madaxweyne Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON