Friday, June 27, 2025

Jaamacadda Jobkey oo iska fogeysay War lagu faafiyey Wargeyska New Vision ee dalka Uganda (Akhriso)

Maamulka Jaamacadda Jobkey ayaa iska bari yeelay war maalmo ka hor lagu faafiyey wargeyska New Vision ee ka soo baxa dalka Ugandha, kaasoo ku saabsanaa in Jaamacada Stafford ee dalkaas ku taalla ay shahaadooyin Master degree ah ka iibisay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada Somalia, loona soo mariyey Jaamacada Jobkey ee magaalada Muqdisho.

War-saxaadadeed ka soo baxay Maamulka Jaamacada Jobkey uuna ku saxiixnaa Maxamed Xasan Doob oo ah madaxa qeybta waxbarashada heerka labaad ee Jaamacadan (Master Degree) ayaa lagu sheegay ineysanba jirin wasiiro iyo xildhibaano wax ka barta faraca Jaamacada Stafrord ee Muqdisho amaba horey uga qelin jebiyey, ayna been abuur yihiin wararka la faafiyey.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in wararkan been abuurka ah ay ka dambeeyeen shaqaale la ruqseeyey oo ka tirsanaa Jaamacadda Stafford ee dalka Ugandha.

“Waxaan hubnaa in warkan been abuurka ah ee la faafiyey uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirka waxbarasho ee ka dhexeeya labada Jaamacadood waxaana rajaynaynaa in wargeyska la marin habaabiyey ee New Vission uu arrintan raali gelin ka bixin doono” ayaa lagu soo gebagebeeyey War-saxaafadeedka ka soo baxay Jaamacada Jobkey oo sidan u qornaa:-

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON