Jaamacadda SIMAD ayaa faahfaahin ka bixisay qarax uu ku dhintay mid ka mida shaqaalaheeda oo ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Qoraal sixitaan ah oo Jaamacadda ay soo dhigtay baraha bulshada ay ku caddeysay inuu qaraxu ahaa miino dhulka la geliyey ee aanu ahayn qarax lagu xiray gaariga, waxayna intaas ku dartay in qofka ku dhintay uu ahaa shaqaale ka mida ilaalada Jaamacadda SIMAD, iyadoo aanay wax dhibaato ah kasoo gaarin macalimiinta Jaamacadda.
Marxuum Maxamed Jeylaani Abuukar oo ku dhintay qaraxa ayaa ka tirsanaa shaqaalaha Jaamacadda SIMAD, waxaana ku dhaawacmay Xuseen Axmed Maxamed oo isagana ka mid ahaa howl-wadeenada Jaamacadda SIMAD.