Sunday, July 6, 2025

Jabhadda Tigray oo Dagaallo rogaal celis ah qaaday iyo Itoobiya oo Cirka ka duqeysay Suuq u dhow Makelle

Waxaa dagaal cusub dib uga qarxay Gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, kadib markii Jabhadda TPLF ay weerarro culus ku ekeysay degaano ay ka mid tahay magaalada caasimadda Gobolka ee Makelle.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada cirka Itoobiya ay duqeeyeen Tuulo u dhow magaalda Makelle, iyadoo la sheegay inay ku dhinteen dad shacab, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana degaanka duqeeyay ee Togogo uu 25KM u jiaa magaalada Mekele.

Afhayeenka ciidamada Itoobiya, ayaa sheegay in diyaaradda dagaalka ay bartilmaameed saneysay dagaal yahano halkaasi ku dhuumaaleysanaya. Dhakhaatiirta isbitaalka Ayder ayaa sheegay in toddobo qof oo kusoo dhaawacmey duqeynta lagu daweynayo isbitaalka.

Duqeynta ciidamada Itoobiya ayaa dhalisay dhimashada ilaa 40 qof, waxaana dadka dhaawacmay la sheegay inay ciidamada Itoobiya ka hor istaageen gargaar loo fidiyo, waxaana arrintan si weyn u cambaareeyay dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Jabhadda Tigreega ee TPLF ayaa xoojisay dagaalka ay kula jirto ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ee ku sugan Gobolka Tigray, iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay sii xoogeysteen dagaalladaasi.

Xaaladda Gobolka Tigray oo ay xayiraad saareen ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ka jira macaluul ay ka deyrisay Qaramada Midoobay, waxaana xaaladda uga sii daraya dagaallada rogaal celinta ee Jabhadda TPLF.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON