Thursday, June 26, 2025

Jabuuti oo ku eedeysay Ereteriya inay ciidamo soo dhoobtay Xuduudka labada dal [Daawo]

Dowladda Jabuuti ayaa ku eedeysay dalka Ereteriya inuu ciidamo soo dhoobay xuduudka labada dal iyadoo  ka digtay dagaal dib u soo cusboonaada.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Jabuuti ayaa sheegay in Eteriye ay dhaqdhaqaaq ciidam ka wado xuduudka labada dal ayna ku wargeliyeen Midowga Afrika iyo Q/Midoobay.

Maxamed Cali Yuusuf ayaa caddeeyay in Jabuuti ay diyaar u tahay nabad, haddii ay ka fursan weysana ay is difaaci doonto. Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii dalka Qatar uu ciidamadiisa nabad ilaalinta kala baxay xuduudka labada dal.

Jabuuti iyo Ereteriya ayaa la saftay dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, taasoo keentay in Qatar oo nabad dhex dhigtay labadaas dal ay ciidamada kala baxdo xuduudka labada dal.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON