Friday, July 11, 2025

Jabuuti oo noqotay dalka ugu badan Bariga Afrika ee Coronavirus & Somalia oo ugu dhimasho badan (Akhriso)

Dalalka Bariga Afrika ayay Soomaalidu noqdeen dadka ugu tirada badan ee sida cudurka iyo uu dhimashada badan.

Jabuuti ayaa noqotay dalka ugu bariga Afrika ee dadkiisu qabaan cudurka Coronavirus, waxaana ilaa hadd uu dalkaasi yar soo ritay dad gaaraya 1008 qof, waxaase muhiim ah in 2 qof oo kaliya ay u dhinteen cudurka.

Dhinaca kale Soomaaliya ayaa iyaduna noqotay dalka ugu dhimashada badan cudurka Covid-19 ee Bariga iyo Geeska Afrika, kadib markii 18 la qof xaqiijiyey inay u dhinteen cudurka, waxaana dadka qaba ee gudaha Soomaaliya ay gaareen 390 qof.

Dalka Sudan oo Somalia ku soo xigta waxaa cudurka ug geeriyootay 17 qof, waxaan qaba 213 qof, halka dalka Kenya ay ku dhinteen 13 qof, ayna cudurka sidaan 343 qof.

Guud ahaan Afrika waxaa cudurka Ccovid-19 qaba dad ka badan Over 30,000, sid ay sheegtay WHO, waxaana qaaradda ku dhintay 1,300 qof .

HOOS KA AKHRISO LIISKA DALKA BARIGA AFRIKA

Somalia: 390 (18 dhimasho)

Sudan: 213 (17 Geeri)

Itoobiya: 122 (3 dhimasho)

Kenya: 343 (13 dhimasho)

Jabuuti: 1008 (2 Geeri)

Tanzanina: 300 (10 Geeri)

Eriteria: 39 (0 dhimasho)

South Sudan: 5 (0 dhimasho)

Uganda: 75 (0 dhimasho)

Rwanda: 180 (0 dhimasho)

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON