Sunday, March 26, 2023

Jadwalka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo la diyaariyey iyo Xilliga la qabanayo

Farmaajo iyo Rooble oo la sheegay inay ka mideysan yihiin Hal Qodob oo ku saabsan Doorashada

Guddiyada Doorashada Guddoonnada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa bilaabay qorshaha Doorashada iyo Diyaarinta Jadwalka labada Guddoon.

Guddiga Doorashada Golaha Shacabka oo maanta iska dhex doortay Guddoomiye iyo Xoghaye ayaa sheegay inay diyaariyeen Jadwalka Doorashada Guddoomiyaha iyo labada guddoomiye ku xigeen ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Ad

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa caddeeyay in si degdeg ah loo qaban doono Doorashada guddoonka, ayna guddigooda diyaar ka dhigeen jadwalkii Doorashada, kuna dhaqaaqi doonaan.

Waxa isla galabta kulan wadajir ah yeeshay labada Guddi ee Doorashada Guddoonada Labada Aqal oo ka wadahadlay sidii ay u wada shqeyn lahaayeen iyo ansixinta qorshahooda doorasho oo Berri kulan wadajir ah loogu yeeray xildhibaannada Labada Aqal.

Hore ayey guddoomiyeyaasha KMG ah ee labada Aqal u sheegeen in Doorashada guddoonka la qaban doono inta aysan dhammaan Bisha Ramadaan, isla markaana aanu jirin fasax ay gelayaan xildhibaannada. Waxaana la isku raaccsan yahay inta aanay dhammaan Bishan April inay dhacdo Doorashada.

- Advertisement -

Guddoomiyaha KMG ah e Aqalka Sare Maxamed Yuusuf Cali ayaa sheegay in Farmaajo iyo Rooble oo ay arrinta doorasha kala hadleen ay isku aragti ka yihin in degdeg loo dhammeystiro doorashada, si isku mid ahna u u doonayaan dedejinta shaqada hortaalla labada Aqal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,959FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,958FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!