Thursday, June 26, 2025

Jadwalkii Guddiga Doorashada Dadban oo fashil ku bilowday [ISBEDEL CUSUB]

Waxa dib u dhac ku yimid qoshihii guddiga Doorashada Dadban ee hore loogu dejiyay inay ku dhacaan doorashada labada aqal ee Baarlamaanka.

Waxaa hore loo qoondeeyay in maanta oo bishu tahay 24 September inay bilaabato Doorashada mudanayaasha Aqalka Sare oo dhammaan agabka doorashada la geeyo caasimadaha maamulada iyo Muqdisho.

guddiga-doorashadaWaxaa kaloo jadwalka doorashada ku caddeyd in 25-ka bishan oo ah Berito ay dowlad goboleedyada soo gudbiyaan magacyada liiska u matalaya Aqalka Sare, iyadoo aanu jirin maamul wax tallaabo ah loo qaadin dhinacaasi.

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya Guddiga Doorashada Dadban ee heer Federaalka iyo Guddoomiyeyaasha Guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ay shir ka leeyihiin dib u dhaca ku yimid qorshihii doorashada.

Jadwalkii hore ee Guddiga Doorashada Dadban:

  1. Doorashada Aqalka sare 25 September
  2. Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka 24 September – 10 October
  3. Dhaarinta Xildhibaannada 20 October
  4. Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 25 October
  5. Doorashada Madaxweynahan 30 October

U codeynta xubnaha Aqalka Saree ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay dhacaysaa 25ta Sebteembar 2016.

U codeynta xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay dhaceysaa inta u dhexeysa 24ka September ilaa iyo 10ka Oktober 2016.

Xubnaha labada Aqal, kan Sare iyo kan Hoose ee Baarlamaanka waxaa la dhaarinayaa 20ka Oktober 2016.

Madaxweynaha waxaa la dooran doonaa 30ka Oktober, waxaana dooranaya xubnaha labada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, sida uu dhigayo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dhowaan Guddiga Doorashada ayaa lagu sheegay in  caqabado badan oo soo wajahay guddiga ay keeni karaan dib u dhac, waxayna u muuqataa in xaaladda Doorashada uu mugdi kale hareeyay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON