Dowladda Soomaaliya iyo Japan ayaa maanta kala saxiixday heshiis ay ku heleyso deeq lacageed oo gaareya 48 milyan oo doolar oo toos loo siinayo dowladda Soomaaliya.
Heshiis ku saabsan deeqdaasi ayaa ka dhacay xarunta Xalane ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana saxiixa heshiiska deeqdaasi kala saxiixday Wasiirka Qorsheynta dowladda Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Ceynte iyo Safiirak Japan u qaabilsan Soomaaliya Tatsushi Terada.
Wasiir Ceynte ayaa sheegay in dowladda Japan ay deeq gaareysa 48, 270,000 (Afartan Milyan iyo laba boqol iyo sideetan Milyan) oo doolar si toos u siineydo sanadkan dowladda Soomaaliya, taasoo ka danbeysay heshiis dalka Japan ku dhex maray Ra’iisal wasaaraha Japan Shinzo Abe iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Lacagtan ayaa soo mareysa hay;adaha UN-ka iyadoo lagu fulin doono mashaariic kala duwan oo Soomaaliya la gaarsiinayo sanadkan, inkastoo wasiirku sheegay in toos loo siinayo dowladda, haddana waxaa mashaariicda fulinaya hay’adaha UN-ka.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay oo haddalo mahadcelin ah ka jeediyay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya sida wasiirka caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed, Wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Ceynte, wasiirka howlaha guud Eng. Saalax Sheekh Cusmaan, wasiiru dowlaha arrimaha dibada Khaalid Cumar iyo xubno kale.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com