Sunday, July 6, 2025

Jen. Caanood oo ka hadlay Weerar uu ka badbaaday oo ay Alshabaab ku qaadeen Kolonyadiisa

Abaanduulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood ayaa ka hadlay weerar ay Alshabaab ku qaadeen Gawaari uu la socday oo maanta ka dhacay Gobolka Sh/hoose.

Weerarka oo ahaa gaadmo  Jen. Caanood sheegay inay ka danbeeyeen kooxda Al-Shabaab, laakiin ay iska difaaceen, wuxuuna intaas ku daray inay ka badnaayeen weerarkii qorsheynaa ee lagu  soo qaaday kolonyadiisa, iska hor imaad dhex maray ciidamadii uu watay iyo kooxdii Alshabaabna ay uga dhaawacmeen laba askari.

Weerarka dhaba-galka ah ayaa ka dhacay inta dhaxeysa Lambar 50 iyo Lambar 60 ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Kolonyada Caanood ayaa ka baxday Beerta Cali Mahdi, waxayna  Lambar 50 kula kulmay saraakiil Ciidan oo deegaankaas ku sugan.

Saraakiishii la kulantay General Caanood ayuu u sheegy in uu duullaan ku yahay Deegaano hoos taga Degmada Marka oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Degaanada uu doonayo Jeneraalka inuu la wareegayo waxaa ka mida: Jilib Marka, Gandarshe iyo Degmada Marka oo qaybo kamid ah ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON