Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xukumadda Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheikh Cali Diini oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa degmada Caabudwaaq ayaa fariin kulul u diray kooxda Ahlu suna ee maamulka ka dhistay magaalada Dhuusamareeb isagoo uga digay inay ku lug yeeshaan dagaallo kale oo dhiig ku daato.

Jen. Diini wuxuu farriintiisa ku sheegay in wadahadalku socdo, “Raggaas culimada ah ee aan hore u wadahadalnay waxaan ku boorinyaa inaysan xadgudbin oo aanay ku degdegin, ee laga fiirsado tallaabooyinka la qaadayo waa inaan xukun maroorsi lagu dhaqaaqin awoodna la isu sheegin, wixii xuquuq ah oo maqan wadahadal ayaa laga geli karaa” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa hore heshiis ula galay kooxda Ahlu suna, heshiiskaas oo Ahlu suna ay sheegtay inuu fashilmay kadib markii dowladda federaalka ay ku eedeeyeen inay joojisay wadahadalkaasi, waxayna kooxdan qabsatay Dhuusamareeb.
Hoos ka dhageyso farriin Wasiirka Gaashaandhigga
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]