Monday, July 14, 2025

Jen. Fartaag & ciidamada Itoobiya oo maamul ay magacaabeen kusoo bandhigay Baardheere

Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe oo ku adkeysanaya inuu Gobolka Gedo awood kula wareego ayaa maanta mar kale maamul cusub u magacaabay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyadoo uu howshaasina wado C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Fartaag
Jen. Fartaag & saraakiisha Itoobiyaanka

Xaflad lagu qabtay Baardheere oo ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya iyo Jen. Fartaag  ayaa maanta lagu qabtay ayaa lagu soo  bandhigay Maamulka Cusub ee degmada Baardheere oo loo magacaabay dad kala duwan oo ka mid noqon doona.

Maamulka la magacaabay ayaa gaaraya 17  xubnood, waxaana guddoomiyaha degmada Baardheere loo magacaabay: Cadow Nuur Xasan, iyadoo Guddoomiye ku xigeen loo magacaabay Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax (Koofi).

Maamulka Axmed Madoobe ayaa sii wada magacaabidda maamulo ay u sameynayaan degmooyinka Gobolka Gedo oo dadweynuhu diidan yihiin, laakiin waxay taageero ka heystaan ciidamada Itoobiya oo dadka ku qasbaya maamulka Jubba.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON