Tuesday, July 15, 2025

Jeneraal ka tirsanaa ciidamada Xoogga Dalka oo lagu dilay Weerarkii Hotel Naasahablood 2 [Akhriso]

Jeneraal ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarkii Alshabaab ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Sareeye Guuto C/raxmaan Khaliif Dhicis  ayaa lagu dilay qolkii uu ka deganaa Hotelka, kadib markii ay ugu galeen maleeshiyada Alshabaab ee hotelka gashay, waxaana geeridiisa ka hadlay taliyaha ciidamada Qalabka sida oo taci u diray ehelkiisa.

Allaha u naxariistee Jeneraal C/raxmaan Khaliif ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa sarkaal karti leh, isla markaana lagu yaqiinay gudashada waajibaadkiisa qaran intii uu noolaa.

  • Wuxuu ciidamada milateriga qortay sanadkii 1961-kii.

  • Wuxuu wax ku bartay kulliyadda dagaalka Istiraatiijiyadda milateriga ee dalka Masar 1963, isagoo kadib xilal kala duwan kasoo qabtay qeybaha ciidamada xoogga dalka.

  • Wuxuu taliye kasoo noqday kuliyadda ciidamada qalabka sida ee Jaalle Siyaad.

  • Wuxuu taliye ka noqday qeybtii 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka.

  • Wuxuu mar kale ka qalin jebiyay kuliyadda sare ee dagaalka iyo istiraatiijiyadda Masar, wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha aqoonyahanadda ah ee ciidamada xoogga dalka, mana hayn wax xil ah muddooyinkii dambe.

  • Jen. C/raxmaan Khaliif Dhicis wuxuu ifka uga tegay xaas iyo afar caruur ah oo isugu jira wiil iyo saddex gabdhood iyo caruur ah sii dhaleen.

Allaha u naxariito, ehelkiisiina samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON