Monday, June 23, 2025

Jilaaga caanka ah ee Salman Khan oo lagu xukumay Xabsi 5 sano ah

Jilaaga Aflaamnta Hindiga ee Bollywood-ka  Salmaan Khan ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah kaddib markii lagu helay dambi ah in uu dilay Deero sanadkii 1998dii.

Maxkamadda Magaalada Jodhpur ayaa Salmaan Khan ku xukuntay shan sano oo xabsi ah iyo $154 doollar oo Ganaax ah. Salmaan ayaa toogtay Labo xabbo oo Deero ah isaga oo Filim ku duubayay Gobolka Rajasthan ee galbeedka Dalka Hindiya.

4 jilaa kale oo markii uu falkaas geysanayay la jilayay Filimka ayaa dambi lagu waayay waana la siidaayay, Khan waxaa uu qaadan karaa Racfaan, kaliyana waxaa uu ka qaadan karaa Maxkamadda sare.

2006-dii ayaa sidan oo kale Maxkamadda Gobolka Rajasthan,Salmaan Khaan ugu xukuntay shan Snao oo Xabsi ah isaga oo lagu helay fal dambiyeed la mid ah midka hadda lagu xukumay,hayeeshee Maxkamadda sare ee Gobolka ayaa laashay xukunkaas.

Afar ka tirsan jilayaashii filimkaas ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyey dembi iyadoo markii dambana maxkamad ku talla magaalada Jodhpur ay cafis u fidisay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Khan sharciga la horkeeno, isagoo 2002dii lagu eedeeyay in uu horay gaari mariyey nin hoy la’an ah oo meel bannaan jiifay iyadoo arrintaa la soo gabagabeeyey bishii disembark 2015kii.

Tani waxay noqonaysaa markii afaraad ee lagu soo eedeeyo falal dembiyeed la xiriira ugaadhsiga xayawaanadka isagoo markii uu jilayey filimka Hum Saath Saath 1998dii afar mar laga cafiyey xadgudub uu u gaystay xayawaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON