Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ku guuleystay Gobolka Arizona, isagoo sii kordhiyay codadka uu ku hoggaaminayo Doorashada Madaxweynaha Mareykanka.
Warbaahinta Mareykanka ayaa shaacisay inuu Joe Biden ku guuleystay Gobolka Arizona, isagoo helay 11 Ergo Cod oo Gobolkaasi uu lahaa, wuxuuna hadda heystaa 290 ergo codeed, taasoo meesha ka saareysa rajo kasta oo madaxweyne Trump ka qabay doorashada uu muranka ka keenay ee 2020.
Wakaaladda Wararka AP iyo Telefishanka FOX ayaa hore u saadaaliyey inuu Biden ku guuleystay Gobolka Arizona, laakiin warbaahinta kale ee Mareykanka ayaan soo qaadin guusha, laakiin goor dhow ayay shaaciyeen inuu Joe Biden ku guuleystay Gobolka Arizona.
Gobolkan ayaa hore u ahaa Gobol uu ku xoogan yahay xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Trump, laakiin waxaa ka dhacday doorasho adag oo musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ku guuleystay.
Kooxda Trump ayaa dood weyn ka qaba Doorashada Gobolka Arizona, waxayna dacwad ka fureen maxkamadaha si dib loogu tiriyo codadka, laakiin waxaa sii yaraanaya fursadda ay heystaan.
