Tuesday, July 1, 2025

JOWHAR: Ganacsade Wareeggii koowaad ku guuleystay kursigii la isku qabtay ee Aqalka Sare

Ganacsade Xasan Iidow Muxumed ayaa ku guuleystay kursi ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedderaalka, kaasoo laga soo doorto maamulka Hirshabeelle.

Wareegtii koowaad ee Doorashada waxaa ka tanaasulay senatoorkii ku fadhiyey kursiga oo isaga haray tartanka inta aanay doorashadu bilaaban, waxaana isugu soo haray Musharaxa Xasan Iidow Kobac iyo C/nuur Ibraahim Farey.

Natiijadii ayaa sidii la filayey noqotay inuu kursiga ku guuleysto Ganacsade Xasan Iidow oo si weyn loogu saadalaiyey, kadib markii la shegay inuu dhaqaale badan ku bixiyey hanashada kursigan.

Xasan Iidow ayaa helay codad aqlabiyad ah oo gaaraya 69 cod, halka C/nuur Farrey uu helay 22 cod, waxaan sidaasi kursigha ku guuleystay Ganacsade Xasan Iidow, sida uu ku dhawaaqay guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON