Saturday, July 12, 2025

Jowhar: Musharax u taagan xilka Madaxweynaha oo kusoo baxay Kursi Xildhibaan

Doorasho kursi ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa caawa ka dhacday magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, oo mar kale laga bilaabay wejiga labaad ee Doorashada.

Kursiga tirsigiisu yahay Hop#140 ayaa waxaa ku tartamayMurashaxiinta kala ah: Cabdulqaadir Cosoble Cali oo hore kursiga ugu fadhiyey iyo Cabdikariim Cilmi Tifow oo kasoo haray musharixiin kursigan doonayey inay u tartamaan.

Doorashada oo hal wareeg ahayd waxay natiijadii noqotay inuu kusoo baxo oo markale kursiga HOP140 loo doorto Musharax C/qaadir Cosoble Cali oo helay codad dhan 76, halka musharixi la tartamay ee C/kariin Tifow uu ka helay 22 cod.

C/qaadir Cosoble ayaa taageero ka helay madaxweyaha Hirshabeelle, waxaana uu inta badan soo xushay ergada dooraneysay kursiga, markii la siiyey odayaasha iyo xubnaha bulshada rayidka ee soo xulayey ergada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON