Monday, June 23, 2025

Jowhar oo marti gelineysa shirka maamul u sameynta Hiiraan/Dhexe & Xildhibaanada Beesha Xawaadle oo ogolaaday

Wararka laga helayo madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in xildhibaanada beesha Xawaadle intooda badan ay ogolaadeen in gogosha shirka maamul u sameynta gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan la dhigo magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe kadib wadahadal muddo dheer qaatay oo la isku mari waayay, kaasoo labada xildhibaan uga socday magaalada Muqdisho.

Hore ayay labada dhinac ugu fashilmeen inay heshiis ka gaaraan markii uu taasi ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh, waxaaana markaasi kadib suuragashay in heshiis meel dhex la isugu yimaado iyadoo Jowhar marti gelineyso shirka maamul u sameynta labada gobol, halka Beledweyne ay noqoneyso caasimadda maamulka cusub.

Heshiiska meel dhexaadka ah ayaa wararka qaar sheegayaan inaysan u dhameyn xildhibaanada reer Hiiraan oo kaliya ay gaareen xildhibaano uu hormuud u yahay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone). Waxaana soo baxaya  warar laga faafinayo xildhibaanadan oo ah inay heshiis hoose galeen.

Ad

Dhinaca kale Maamulka gobolka Hiiraan ayaa qabanqaabinaya maanta bannaanbax weyn oo looga soo horjeedo guddiga farsamada  iyo arrimaha ka socda magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON