Monday, June 23, 2025

DHAGEYSO: Maamul la baxay Jubba Ganaane State oo Muqdisho looga dhawaaqay

Waxaa shalay Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay maamul la baxay Jubba Ganaane State oo la sheegay inay dhisteen dadka Jubbooyinka, waxaana madaxweyne loogu doortay C/llaahi Xasan Cali.

Maamulkan ayaa la sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii dadweynaha Jubbooyinka ay u heli lahaayeen maamul cadaalad ah, waxaana madaxweynaha maamulkan cusub uu khudbad ka jeediyay shirka isagoo faahfaahin ka bixiyay qorshihiisa.

Maamulkan ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay degmooyinka: JILIB. JAMAAME, CEELWAAQ, BAARDHEERE, LUUQ, KISMAAYO, BUAALE, YURKUD IYO SALAGLEEY.

Ad

Xafladii looga dhawaaqay maamulkan waxaa ka dhex nuuqday xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyagoo hambalyo u diray maamulkan cusub.

Dhismaha Maamulkan ayaa soo baxay iyadoo ay Muqdisho ku shirayaan madaxweynayaasha Jubba Axmed Madoobe iyo K/Galbeed Shariif Xasan wuxuuna u muuqdaa inuu la mid yahay maamulka Bakool sare.

Dhegeyso Madaxweynaha Jubba Ganaane state C/llaahi Xasan Cali

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON