Friday, June 27, 2025

Jubbaland oo soo bandhigtay xubno Alshabaab ah oo weerarro ka fuliyey Kismaayo (Magacyada + Sawirro)

Ciidamada Nabadsugidda magaalada Kismaayo ayaa soo bandhigay 3 nin oo la sheegay inay ka mid yihiin Alshabaab oo qaabilsanaa inay Bambooyinka ku tuuraan xaafadha magaalada Kismaayo.

Hawlgallka ciidamada ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa lagu soo qabtay saddex qof oo qirtay in ay bambaanooyinka gacanta laga tuuro ay habeenkii ku tuuri jireen goobaha dadka isugu yimaadaan.

Saddexda qof waxay kala ahaayeen: C/Qayuum sheeh C/risaaq Aadan, Xuseen C/samad Sheekh Daahir iyo Maxamed C/raxmaan Bashiir. Waxay sheegeen inay fuliyeen howlgallo fara badan oo bambooyin lagu qarxiyey magaalada Kismaayo.

Muuqaalka raggan ayaa lagu soo bandhigay warbaahinta Jubbaland, iyagoo qirtay weerarradii ay fuliyeen, goobihii ay qarxiyeen iyo sidii loo qabtay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON