Monday, June 23, 2025

Jubbaland: Waxaa lagu heshiiyey in la joojiyo dhismaha Derbiga, marka laga reebo Shamiinto Qoyan oo…” [Daawo]

Wadahadalkii Soomaaliya iyo Kenya maanta ku dhex maray magaalada Mandhera ayaa  lagu gaaray go’aan si KMG ah loogu joojiyey dhismaha Derbiga Kenya ka wado xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Shirka oo ay dowladda Soomaaliya u xil saartay Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa si lama filaan ah waxaa ugu biiray Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan C/Nuur (Janan) iyo ku xigeenkiisa, waxaana dhinaca Kenya uga qeyb galay Isu-duwaha ammaaka W/Bari Maxamuud Saalax.

Kadib shirkaasi waxaa saxaafadda la hadlay labada dhinac oo sheegay in heshiis lagu gaaray shirkooda, kaasoo ah in la joojiyo dhismaha Derbiga si KMG ah inta madaxda dowladaha labada dal ay iska arkayaan.

Maxamuud Saalax ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah jirin, isla markaana ay shir weyn la yeesheen wafdiga Soomaaliya, ayna dhammeeyeen wixii dhibaato ahaa ee ka jiray xuduudka, ayna yihiin dad walaalo ah oo deris ah, wax kastana lagu heshiiyey isagoo aan faafhaahin bixin, balse ku baaqay in qeylada la iska dhaafay.

Waxaa dhinaca wafdiga Soomaalida waxaa u hadlay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Adan oo dhinaciisa sheegay in shirku is afgarad ku dhammaaday la iskuna afgartay in la joojiyo Derbiga laga dhisayo Mandheera iyo Beledxaawo inta labada dal ay iska arkayaan.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa caddeeyay wixii uu ku dhammaaday shirka oo af is -afgarad. “Shirku wuxuu ku soo dhammaaday is afgarad laguna heshiiyay in la joojiyo dhismaha Derbiga, marka laga reebo Shamiinto qoyan oo la rabay Godad la qoday in lagu shubo, bacdamaa ay Shamiintadii qoyan tahay..”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON