Wararka Laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka ay ciidamada K/Galbeed weerar ku qaadeen Guriga Guddoomiyihii degmada Diinsoor ee xilka laga qaaday, kaasoo diiday inuu wareejiyo maamulka degmada.
Ciidamada weerarka qaaday o ka kooban dhinacyo kala duwan ayaa iska caabin kala kulmay ciidamo uu leeyahay Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee degmada Diinsoor Ibraajim Maxamed Nuur (Shigshigow), waxaana wararku sheegayaan in rasaas ay ka socoto magaalada, gaar ahaan guriga guddoomiyaha hore.
Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Diinsoor oo muddo dheer uu guddoomiye ka ahaa Ibraahim Shigshigow, balse wuu ka biyo diiday inuu xilka wareejiyo, taasoo keentay in weerar lagu qaado, waana tallaabadii ugu horeysay ee dagaal lagu xaliyo arrin maamul.
Xaalada Degmada Diinsoor ayaa kacsan, waxaana dadka degaanka ay welwel ka muujiyeen khilaafka maamulka degmada ee isu bedelay gacan-ka-hadalka.