Tuesday, June 24, 2025

Kacdoonka Haweenka: Haweeney caan ah oo isu sharaxday jagada Xildhibaan ee Beesheeda

Iyadoo haweenka Soomaaliyeed ay wadaan kacdoon xil raadis ah xilli doorasheedka 2016, ayaa waxaa  ololaha doorashada ku soo biiray haweeney caan ah oo dooneysa inay beesheeda u metesho aqalka hoose ee baarlamaanka.

Dr. Mina Xasan Shibis ayaa si rasmi ah u shaacisay inay u taagan tahay xilka mudane Baalamaan oo ka tirsan aqalka hoose sida ay ku shaacisay xaflad ka dhacday hotelkeeda Global ee magaalada Muqdisho.

mina-xasan-shibisMina oo dhowaan taageero ka heshay madaxweyne Xasan Sheekh ayaan la ogeyn  inay xilkan ku soo bixi doonto, waxaana loolan adag uu kala dhaxeeyaa xubno isugu jira haween iyo rag oo iyaguna u sharxan xilkan oo ka dhaxeeya ilaa 4 beelood oo waaweyn.

Haweenkii ugu badnaa ayaa u sharxan doorasha 2016, waxaana baraha bulshada laga dareemayaa kacdoon siyaasadeed oo la geliyay haweenka xilligan, inkastoo natiijadiisa la ogaan doono kadib doorashada iyo kaalinta ay ku yeeshaan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON