Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inuu ka furmo xarunta baarlamaanka ee magaalada Muqdisho iyadoo Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud uu xarunta u tegayo inuu furo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa shalay ku dhawaaqay inuu furmayo kalfadhigan cusub, isagoo xildhibaanada ugu baaqay inay dhamaantood ka qeyb galaan shirkan.
Sharciyo dhowr ah ayaa horyaala Baarlamaanka oo uu ka mid yahay Sharciga Saxaafadda waxaana sidoo kale jira qaar ka mida xildhibaanada oo diidan qaabka uu guddoomiye Jawaari u maareeyay Kalfadhigii hore iyo Mooshinkii Madaxweynaha.
Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay wadooyinka gala madaxtooyada iyo xarunta Baarlamaanka, waxaana la joojiyay isu socodkii dadka.
Goobjooge.com