Wednesday, June 25, 2025

Kalfadhiga Barlamanka oo maanta la soo xiraya & Madaxweynaha oo khudbad is difaac ah ka jeedinaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo afjaraya kalfadhigiisii lixaad ee socday muddo dhowr bilood ah, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Baarlamaanka khudbad ku soo xirayo Kalfadhiga.

baarlamaanka

Hore ayay guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka u go’aamiyay in maanta 16-ka September la soo xiro iyadoo xildhibaanadu ay geli doonaan fasax muddo bil ah.

Xaaladda ammaanka xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la xiray wadooyinka mara Xarunta Golaha Shacabka lasoo dhigay Ciidamo boolis ah iyo ciidamo kale oo ilaalada madaxtooyad ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mooshin xil ka qaadis ah ka yaallo Baarlamaanka ayaa maanta la filayaa inuu xiritaanka uga faa’iideysto inuu khudbad ka jeediyo Baarlamaanka kuna difaaco waxqabadkiisa iyo siyaasadii uu saddex sano ku maamulayay dalka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON