Wednesday, June 25, 2025

Kalonzo Musyoka: “Imisa Derbi ayaan dhiseynaa…. Derbi kale waa inaan ka dhisnaa Xaafadda Islii..!”

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Wiper ee dalka Kenya, ahaana madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi Kolonzo Musyoka ayaa sheegay in derbiga dowladda Kenya ka dhiseyso xuduudka Soomaaliya aanu Alshabaab ka celin karin Kenya, wuxuuna si weyn ugu jeesjeesay dhismaha Derbiga oo dowlada Kenya ay ku adkeysanayso in laga dhiso xuduudka Soomaaliya.

musyoka
Wiper party leader Kalonzo Musyoka addresses University of Nairobi students on July 30, 2015. PHOTO | NJUGI NGUGI | NATION MEDIA GROUP

Isagoo la hadlayay arday Sharciga ka barata Jaamacadad Nairobi xarunta Parklands wuxuu Musyoka sheegay inuu macne darro yahay derbigaasi oo wax sabab ah aanu lahayn mar haddii dad Kenyaati ah ay ka mid noqdeen Alshabaab.

“Alshabaab hadda weji kale ayay yeelatay, Alshabaab ma aha oo kaliya dad Soomaaliya ka imaanaya, waxaa Alshabab noqday Kamba, Kikuyu, Luo iyo Luhya” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya oo si qayaxan u ceebeeyay qorshaha dowladda Kenya derbiga uga dhiseyso xuduudka Soomaaliya.

“Waa wax lagu qoslo inaan maqalno in Derbi laga dhisayo xuduudka…, waxaan laga yaabaa inay Derbi kale ka dhisaan Islii, aan is weydiiyo imis derbi ayaan dooneynaa inaan dhisno” ayuu si jeesjees ah u yiri Kolonso Musyoka oo ay soo xigatay Jariirada Daily Nation.

 

Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON