Magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland ayaa lagu qabtay xaflad lagu furay Kaniisad laga hirgeliyay magaaladaasi.
Xafladda waxaa goobjoog ka ahaa Ajaanib, arday iyo aqoonyahano Soomaali ah waxaana looga hadlay mowduuc ku saabsan mutadawacnimada iyo Hormarka caalamiga.
Mariane Vecchione oo ah haweeney ajnabiga ah ee ka shaqeeya Hargeysa ayaa sheegtay in maamulka Somaaliland ay kala hadleen furitaanka Kaniisad Katoolig ah oo ay ku cibaadeystaan dadka Kirishtanka ah ee ku sugan magaalada Hargaysa, loona ogolaaday, sidaasina ay ku furteen
Waxay kaloo sheegtay Vecchione in Somaliland ay xaqiiqsatay in ay muhiim u tahay dal ahaanshahooda in Kirishtaanka loo ogolaado mad-habkooda Kaatooliga, isla markaana dhowaan laga shaqo bilaabi doono.
Hargeysa ayaa waxaa si weyn uga shaqeysta dad ajaaniib ah, waxaana si weyn ugu sii kordhay Itoobiyaanka oo qabsaday shaqooyinka hoose oo dhan, waxayna tani noqoneysaa Kaniisadii ugu horeysay ee lagu furo degaanadaasi kadib dagaaladii sokeeye.
Culimada degaankaasi iyo dadweyne fara badan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin dhismaha kaniisada lag furay magaalada Hargeysa, waxayna maamulka Somaliland ku dhaliileen tallaabada uu qaaday.
https://youtu.be/ELb1hMWI0Pk