Tuesday, September 29, 2020
More

    KASHIFAAD: Dowladda Somalia Maxay u qarisaa tirada Dadka laga baaray Cudurka Coronavirus..?

    Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay inay shaaciso tirada dadka laga baaro cudurka Coronavirus, waxayna wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Federaalka ay kaliya sheegtaa tirada dadka laga helay cudurka.

    Waxay hore wasaaradda caafimaadka u shaacin jiray tirada maalinlaha ee laga baaro cudurka Covid-19 iyo inta laga helay, waxayna joojisay markii dood badan ka dhalatay baraha bulshada oo ku saabsan sida dadka la baaro intooda badan looga helo cudurka.

    Ad

    18-kii April 2020 ayaa ugu danbeysay in wasaaradda Caafimaadka ay shaaciso tirada maalintii laga gaaro cudurka, iyo inta laga helo, waxaana maalintaasi warbixintii ay soo saartay ay ahayd sidatan:

    Warbixinta Maanta 18/04/2020 Kiisaska maanta la baaray
    La baaray 25 qof
    Laga helay 19 qof
    Lab 15 qof
    Dhedig 4 qof
    Dhimasho 2 qof

    Tirada guud ee laga baaray cudurka Coronavirus Soomaaliya oo dhan waxay ahayd 16-kii April 222 qof, sida ku cad shaxda hoose.

    Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya marna sooma hadal qaado tirada guud ee laga baaray cudurka intii baaritaanku cudurkani uu bilowday, waxayna arrintaas qeyb weyn ka qaadan lahayd in la ogaado heerka uu gaarsiisan yahay cudurka, iyadoo aan la ogeyn sababta loo qarinayo qodobkan muhiimka ah.

    Dalalka Dunida waxaa lagu qiyaasaa heerka uu cudurku Coronavirus ka joogo hadba tirada guud ee dadkooda iyo baaritaanka ay sameeyeen, taasoo lagu qiimeyn karo shaqada ay hayaan wasaaradaha caafimaadka iyo guud ahaan dowladaha dalalkaasi, laakiin Soomaaliya oo deeqo badan ka heshay dalalka Turkey, China, ganacsadaha Shiinaha ee Jack Ma, Hay’adaha Q/Midoobay ee WHO iyo kuwo kale, ayna soo gaaren kumanaan kun oo qalabka wax lagu baaro ah ayaa qarineysa xogtan muhiimka ah oo si ulakac ah kusii wada inaysan soo hadal qaadin, lana wadaagin shacabka iyo warbaahinta.

    Inkastoo saddex Sheybaar oo cudurka lagu baari karo laga hirgeliyey Muqdisho, Garowe iyo Hargeysa, waxaa haddana weli jira in kiisaska loo qaado magaalada Nairobi ee dalka Kenya si loogu baaro.

    Warbixintii ugu danbeysay UNOCHA qeybta Soomaaliya waxaa lagu sheegay in ilaa 6-dii May 2020 dadka lagu baaray sheybaarka dowladda ee Muqdisho ay gaarayaan 1238 kiis, halka 239 kiis oo kale loo diray magaalada Nairobi.

    Dhinaca kale Wakaalada wararka AP ayaa Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO kasoo xigatay maanta in Soomaaliya lagu baaray kiisas gaaraya 2,700, waxaana halkaasi ka muuqda inay aad u kooban tahay tirada dadka laga baaro cudurka, taasoo aan sawir cad ka bixin karin heerka uu cudurka gaarsiisan yahay.

    Dalalka Bariga Afrika qaarkood waxay si joogto ah u shaaciyeen tirada dadka ay guud ahaan ka baareen cudurka Covid-19 sida hoos ku qoray.

    Kenya: 39,108

    Jabuuti: 16,878

    Itoobiya: 48,985

    Somalia: ??

    Wasaaradda Caafimaadka oo shalay hawada gelisay website cusub oo lagala soconayo xogta Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa mar kale si kutalagal ah looga reebay tirada dadka aga baaray cudurka, waxaana isha xogtan laga helo ay noqotay Hay’adaha Q/Midoobay oo soo saara warbixinno toddobaadle ah oo ku saabsan xaaladda cudurka.

    Jabuuti oo dadkeena lagu qiyaasay 988,000 (ku dhowaad Hal Milyan) ayaa cudurka ka baartay dad ku dhow 17000 qof, waxaana marka la eego tirada yar ee dadkeeda ay ka mid tahay dalalka ugu baaritaanka badan cudurka Afrika, taasoo keenay inay ilaa xad xakameyso cudurka, dadka u dhintayna ay kaliya yihiin 4 qof iyadoo tirada dadka laga helay cudurka ay isla mid yihiin Soomaaliya (1284 qof).

    Dowladda Soomaaliya waxaa laga sugayaa inay si daahfuran u shaaciso, dadkana ula wadaagto xogta cudurka Coronavirus oo dhammeystiran, iyadoo ay xaqiiqo tahay in tiro aad uga badan kuwa ay shaaciso Wasaaradda Caafimaadka ay qabaan ama u dhinteen cudurka Covod-19 gudaha dalka.

    GOOBJOOGE.NET

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    147,896FansLike
    1,995FollowersFollow
    5,621FollowersFollow
    147,896FansLike
    1,995FollowersFollow
    5,621FollowersFollow

    TOP NEWS

    Ra’iisal wasaare Rooble oo kulan ugu yeeray Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda (Hal Taliye oo xaadiray)

    Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulankii ugu horeeyay la yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida iyo Laamaha Amniga Gobolka...

    Sidee u shaqeeyaan Xabsiyada Alshabaab, Yaase maamula..? & sida Maxaabiista loogu ciqaabo? (DAAWO XOGTA)

    Alshabaab ayaa maamuusha xabsiyo kala nooc ah oo dadka siyaabo kala duwan loogu ciqaabo, waxaana xabsiyadan la aasaay sanadkii 2008, waxaana ku...

    Sarkaal lagu dilay Beled-xaawo & Alshabaab oo sheegatay inay Qorshe la yaab leh ku khaarijisay

    Dabley hubeysan ayaa toogasho ku dishay sarkaal ak tirsana Ciidamada Dowladda Soomaaliya  ee ku sugan Gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Belwdxaawo.

    Lafta-gareen: “Haddii la is-tiriyo Soomaaliya waxay ahayd in wax loo qeybsado Maay iyo Maxaa-tiri..”

    Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ka qeyb galay xalay kulan casho sharaf iyo is-cafin ah oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

    Safiirka Somalia ee Turkiga: “Guuleed waxaa Berri u bilaabmaya tababar kooban, kadibna dalkii buu ku noqonayaa..”

    Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Turkiga ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladda wiilka Soomaaliyeed ee Guuleed Cabdi oo Turkiga lagu martiqaaday, iyo wixii...

    Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska iyo Danab oo lagu dilay Muqdisho iyo Alshabaab oo sheegtay..

    Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska iyo Kumaandooska Danab ee dabley ka tirsan Alshabaab ku dileen magaalada Muqdisho.

    Ra’iisal wasaare Rooble oo xilka kala wareegaya Mahdi Guuleed (Halkee ku danbeeyay Dalabkii Xasan Kheyre?)

    Ra'iisal wasaare ku xigeenka xukuumadii dhacday Mahdi Maxamed Guuleed oo madaxweyne Farmaajo sii-haye Ra'iisal wasaare u magacaabay ayaa maanta xilka Ra'iisal wasaaraha...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!