Wednesday, June 25, 2025

KASHIFAAD: Guddiga Doorashada dadban oo ku kacay sharci darro ku saabsan maamulka lacagta Musharixiinta

Guddiga Doorashada Dadban ayaa xisaab ka furtay dhowaan Banki Gaar loo leeyahay, isagoo lacagta laga qaadayo musharixiinta ka wareejiyay Bankigii Dhexe ee Qaranka.

Guddiga ayaa baahiyay Xisaab (Account) uu ka furtay  Bankiga Dahabshiil ee magaalada Muqdisho, kaasoo uu sheegay in musharixiinta labada aqal iyo madaxda dalka u tartameysa ay ku shubi karaan lacaga diiwangelinta ee loo qoondeeyay inay bixiyaan.

guddi-accountTallaabadan ayaa loo arkay dib u dhac kale oo ka liita halkii dowladdii KMG ahayd ay joogtay 4 sano ka hor markaas oo Guddigii Doorashada ee ay madaxda u ahayd Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ay xisaabtooda ka furteen Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in lacag ka badan 10 milyan oo doolar ay ka soo xaroodo musharixiinta kala duwan ee doorashada 2016, waxaana adeegsiga Banki gaar loo leeyahay ay ka dhigeysaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya mid sharci darro oo guddi heer Federaal uu ku kacay, taasoo keeni karta in lagu taktri falo hantida Qaranka.

Ma jirto cid is-weydiisay sababta Guddiga heer Federaalk ee Dooorashooyinka dadban ay uga leexdeen Bankigii Qaranka iyo haddii ay jiraan dhibaatooyin ku qasbay arrintan oo keenay inay aami waayaan Bankiga Dhexe, laakiin waxay arrintani dhacday iyadoo Wasaaradda Maaliyadda iyo dowladda Federaalka ay ku faanaan in isbedel weyn laga sameeyay nidaamka Maaliyadda Soomaaliya.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax oo arrimahan oo kale codkiisa ku biirin jiray ayaa iska ku jira hurdo dheer oo u muuqda mid gabay ilaalintii hantida Qaranka.

HOOS KA AKHRISO XAASHIDA LAGU FURAY XISAABKA GUDDIGA DOORASHOOYINKA

account-dahabshiil

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON