Guddoomiyaha Gobolka banaadir Taabit Cabdi Axmed ayaa Gaadiidka iyo Qalab loogu deeqay Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejiyay shirkad gaar ah.
Goobjooge.com ayaa ogaatay in Guddoomiye Taabit uu heshiis qarsoodi ah la galay shirkad lagu magacaabo Kulmiye, taasoo uu ku wareejiyay Gaadiid dhisme ku dhow 50 iyo Warshado ay Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga siisay Maamulka Gobolka Banadir.
Heshiiska oo aan wax tartan ah loo gelin, isla markaana ahaa mid aan loo soo bandhigin warbaahgnta iyo hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh qandaraasyad ayaa la sheegay imn shirkadda Kulmiye ay ku shaqeysan doonto Qalabkan iyadoo maamulka Gobolka Banaadir laga siinayo khidmad joogto ah.
Gudoomiyaha shirkadda Kulmiye Cabdulqaadir Abuukar Cumar Cadaan oo hore gacan-saar ula lahaa maamulka Gobolka banaadir, isla markaana dhisay qaar ka mida Wadooyinka Muqdisho ayaa ku guuleystay inuu Taabit Cabdi Maxamed heshiis qarsoodi ah la galo oo lagu wareejo Gaadiidka waaweyn ee dhismaha iyo Warshad casri ah oo sameysa alaabaha dhismaha.
Shirkado waaweyn oo dhinaca dhismaha qaabilsan ayaa daneynayay Qalabkan haddiiba maamulka Gobolka Banaadir uukireynayo ama la iibinayo, laakiin wuxuu heshiiska oo dhan ku dhacay si hoose.
Sababta keentay in Gaadiidka iyo Qalabka la siiyay Maamulka Gobolka Banadir lagu wareejiyo shirkad ganacsi ayaa lagu sheegay in G/Banaadir aanu heyn karin qalabkaasi, waxayna arrimahan oo dhami dhacayaan iyadoo gobolku baahi badan u qabo gaadiidka oo hore u qeyb weyn uga ahaa nadaafadda magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Taabit oo xilka hay bilooyin kooban, kana mida saaxiibta ugu dhow madaxweyne Farmaajo ayaa ku socda wadaddii guddoomiyeyaashii ka horeeyay isagoo durba ku dhaqaaqay tallaabooyin dhowr ah musuqmaasuq aanu ka marneyn, kuwaasoo qaarkood aan dhowaan idin soo bandhigi doonno.
SAWIRRADA QALABKA TURKIGU SIIYAY G/BANAADIR EE LA WAREEJIYAY
GOOBJOOGE.COM
DAAWO SAWIRRO: Turkiga oo 52 Gaadiid iyo warshado yaryar ugu deeqay Maamulka Gobolka Banaadir