Sunday, July 13, 2025

KASHIFAAD: Heshiis Somaliya la gashay shirkad Turki ah oo la joojiyay & Wasiir xilkiisa ku waayay

U GAARA GOOBJOOGE.COM: KASHIFAAD: Heshiis Somaliya la gashay shirkad Turki ah oo la joojiyay & Wasiir xilkiisa ku waayay

Heshiis ay hore dowladda Soomaaliya ula gashay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa socon waayay kadib markii fadeexad ku timid wasiirkii heshiiskaasi saxiixay taasoo sababtay in markii dambe xilka laga xayuubiyo.

Heshiiskan ayaa ku saabsanaa Koontaroolka iyo huntinta tayada alaabada iyo shixnadaha kasoo dega garoomada iyo dekadda dalka ee dibadda laga soo dhoofiyo, waxaana xukuumadda Soomaaliya u saxiixay wasiirkii Ganacsiga Soomaaliya ee dhowaan xilka laga qaaday isagoo shirkad lagu magacaabo PGM u saxiixay howshan.

Wasiirka Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan ayaa la sheegay inuu shirkaddan Turkiga ka qaatay lacag dhan 300 kun oo doolar, isagoo u balan qaaday inuu heshiiskan meel marinayo isla markaana la xaalayo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Shirkaddan ayaa ku dhaqaaqay tababar ay siisay shaqaale dhowr ah oo Muqdisho ay ka qaadatay, waxayna sidoo kale seminaaro ku qabatay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Cumaan, laakiin waxaa markii danbe xukuumadda Soomaaliya ay joojisay heshiiskan.

Shaqaalaha Shirkadda ee la tababarray Mogadisho
Shaqaalaha Shirkadda ee la tababarray Mogadishu

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiisyo aan tiro lahayn la gasha shirkado shisheeye kuwaasoo aan marna baarlamaanku ansixin, qaarkoodna ku kooban yihiin wasiirada kaliya oo dhaqaale gaar ku qaata. Baaritaan ay Goobjooge.com ku sameysay shirkadda heshiiska lala galay ayaa caddeeyay in shirkaddan aanay ka howl gelin 40 dal, oo kaliya website-keeda 00 waqti kooban dhisan ay ka muuqdaan oo kaliya dalalka Aljeriya iyo Raashiya oo aanay jirin wax shaqo ah oo ay ka heyso.

AKHRISO ARRIMO LA XIRIIRA:

  1. Wasaaradda Ganacsiga oo soo saartay farriin muhiim ah oo ku socota Ganacsatada Soomaaliyeed

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON