Magaalada Cadaado ayaa noqotay goobta ugu weyn lacagaha ugu badan lagu kala furto marka ay timaado doorashada 2016.
Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayay hore rikoor ugu dhigtay Cadaado markii kursi kamida aqalka sare ay ku baxday lacag 2 Milyan Doolar ka badan, iyadoo Kursigii ugu horeeyay lagu bixiyay 1.5 Doolar lacag ku dhow, haddana waxaa muuqata in kuraasta aqalka hoose ay sidoo kale magaalada Cadaado hogaanka u heyso lacagaha lagu iibsanayo codadka ergada.
Kursiga Beesha Waceysle ee jufada Marooyin oo ku guuleystay ganacsade Cabdullahi Ali Ahmed oo loo yaqaan (Caddow Cali Gees) ayaa la sheegay inuu ku bixiyay lacag ka badan Nus Milyan Doolar.
Ganacsadahan ayaa xildhibaan noqday sanadkii 2012 isagoo markaas sheegay inuu xildhibaanimada ka dhigayo difaac iyo xasaanad, waana ganacsade qandaraasyo dhowr ah heysta oo ay ka mid yihiin kuwa AMISOM.
Kursiga labaad ee ugu lacagta badnaa Cadaado ayaa isla shalay waxaa ku guuleystay Saadaq C/kariin Xaaji oo ahaa agaasime ku xigeenka Madaxtooyada, wuxuuna heystay taageerada madaxweynaha.
Waxaa kaloo kursigan tartanka ku jiray Eng. C/llaahi Cali Xasan, waxaana la soo weriyay in labada musharax ee kursiga beesha Waceysle ee Cali Gaaf lacagaha ay bixiyeen ay sare u dhaafeen 600,000 (Lix Boqol kun Doolar).
Goobjooge.com