Wednesday, June 25, 2025

KASHIFAAD: Maamulka Hirshabeelle qiyaano u bedelay Qoondadii Haweenka ee Beelaha

Iyadoo doorasahada Aqalka hoose ay gabagabo tahay ayaa waxaa soo baxaya in siyaabo kala duwan loo dhaqan geliyay qoondada haweenka.

Qoondada ayaa maamulada qaarkood qasab looga dhigay iyadoo kuraas dhowr ah ka kansalay, halka maamulo kale ay sidii ay doonaan ka yeeleen, waxaana tusaale cad ah maamulada Jubbaland iyo Puntland.

keating-batula1Qoondada haweenka si la yaab leh oo khilaafsan sidii loogu talogalay looga dhaqan geliyay maamulka Hirshabeelle, waxaana dhacday in beelaha qaarkood lagu qasbay haween fara badan, halka beelo ay waajib ku ahayd inay haween u qoondeeyaan kuraas iska diiideen.

Haweeneyd ku magacaabaan Guddoomiyaha haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed ayaa maamulka Hirshabeelle dhowaan ku bogaadisay inuu ugu horeeyo qoondada haweenka.

Waxaa la yaab leh in Batuulo ayaa ka mid ahayd korjoogtada doorashada ay ku fashilantay in beesha ay ka soo jeedo ee Harti-abgaal ay haween ku daraan xildhibaanada ay lahaayeen, waxayna beeshan soo dooratay saddex xildhibaan oo dhammaantood rag.

Imaamka Beesha ayaa si cad uga hor yimid qoondada haweenka, waxaana la dhinac maray qoondada haweenka, halka beesha Gaaljecel laba haween ah uu ku cadaadiyay madaxweynaha Hirshabeelle oo xaaskiisa ay ka mid tahay xildhibaanada soo baxay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON