Sunday, July 13, 2025

KASHIFAAD: Maxaa ka jira in Imaaraadku lacag siisey Ku-xigeenkii Xeer ilaaliyaha Guud ee xilka laga qaaday..?

Iyadoo dhowaan uu madaxweynaha Soomaaliya  xilkii ka qaaday Ku-xigeenkii Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Abuukar  ayaa warar kala duwan kasoo baxeen sababta xil ka qaadistiisa.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegayey in xil ka qaadista xeer Ilaaliye kuxigeenka shaqada looga eryay kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo la sheegay inuu  u gacan geli karo, isagoo aan lagu aamini karin dacwadaasi iyo warar ku saabsan inuu ka hor yimid qaabka xeer ilaaliyaha Qaranka u wajahay kiiskaasi.

Warar ay baahiyeen saxaafadda dalka Qatar ayaa lagu sheegay in xeer ilaaliye ku xigeenka xilka laga qaaday uu lacag laaluush ka qaatay dowladda Imaaraadka, waxaana sida ay qortay mareegta Arabmirror lagu sheegay in lacag lacag Nus Milyan Doolar uu ka helay Imaaraadka Carabta si uu warbixin uga siiyo sirdoonkeeda  ololaha dowladda Soomaaliya kula jirto siyaasiyiinta kasoo horjeeda ee taageerada ka hela Imaaraadka.

 

Lama xaqiijin karo arrinta ku saabsan xiriirka Imaaraadka ee soo galay Xeer ilaaliye ku xigeenkii shaqada laga qaaday, laakiin dad u dhow ayaa sheegay in dhowr jeer madaxweyne Farmaajo uu xil ka qaadis u diyaariyey, isagoo lagu tilmaamay shaqsi aan lagu aamini karin cadaaladda hab-dhaqankiisa dartiis.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON