Monday, June 23, 2025

KASHIFAAD: Maxaa keenay in Fadumo Dayib ka carooto Guddiga laga reebay..”Ima iibsan karaan aniga..”

Faadumo Qaasim Dayib oo laga saaray Guddiga Anshaxa iyo Asluub wanaaga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa si caro leh uga jawaabtay tallaabadii looga saaray guddigaasi.

Qoraalo dhowr ah oo ay dadka kula wadaatay baraha bulshada ayay ku sheegay in sababta looga saaray ay tahay qof cod dheer oo wax qaban karta, waxayna sii raacisay inaan iyada la aamusin karin.

“Waxaa hadda uun la ii sheegay inaan ka mid ahayn Guddiga, Waxaan u maleynaa inaan sababta wada ognahay….. Ima aamusin karaan ima iibsan karaan aniga…” ayay qoraalkeeda ku tiri Faadumo oo saacado kooban ka mid ahayd Guddigaasi.

Ad

Faaduma ayaa kasii dartay oo waxay qoraal kale ku sheegtay inay tiimbare u noqoneynin geedi socod xaaraan ahaa, waxaana arrintan ay timid kadib markii muddo loogu hambalyeeyay oo ay ku faraxday xilka loo magacaabay.

Xoghayaha Baarlamaanka C/kariin Buux ayaa qoraal u diray Faadumo una sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay Guddiga, lagana reebay iyada, taasoo dhalisay inay aad uga carooto, waxaana warar xogogaal ah ay sheegayaan in arrintan ay ka dambeysay markii ay wax ka sheegtay doorashada iyo Guddiga loo magaaabay iyadoo aan cidna kala tashan.

Guddoonka baarlamaanka ayaan wax faahfaahin ah ka bixin sababta saacado kooban kadib looga saaray Guddiga, laakiin ilo ku dhowdhow ayaa sheegay in sal-fudeydka haweeneydan heysata dhalashada Finland ay keentay tallaabadaasi.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON