Muran weyn ayaa ka taagan han dhaqanka madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya oo lagu eedeynayo inay faragelin ku hayaan awoodihii Dastuuriga ahaa ee dowladda Federaalka.
Soo ifbixiii khilaafka Khaliijka ee Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo dhinac ah iyo Dowladda Qatar oo dhinaca kale ah, waxay soo muujisay xaqiiqada maamul Goboleedyada magaca Federaalka wata oo ka hor yimid go’aan lagu tilmaamay mid sharafeed oo dowlada Soomaaliya ka qaatay muranka dalalka Khaleejka ee ahaa inay dhexdhexaad ka noqoto.
Muddo kadib waxaa caddaatay in Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ay taageero dhaqaale ku helayaan haddii ay qaataan mowqif ka duwan kan dowladda Federaalka, ayna saxaafadda ka sheegaan inay taageersan yihiin Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee ka horjeeda dalka Qatar.
Dowladda Imaaraadka Carabta oo dhaqaalaha ku bixineysa arrintan ayaa hore u noqotay dowladda kaliya ee ka tirsan Jaamacada Carabta ee sida tooska ah ula macaamisha madaxda maamul goboleedyada ilaa heer ay heshiis milateri la gasho maamulka la baxay Somaliland ayaa ku lug leh faragelin kale oo la isaga horkeenayo dowladda Federaalka iyo maamullada dalka.
Somaliland oo ugu horeysay maamuladaSoomaalida ee la safta isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa la sheegay in madaxdweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo dhowr jeer socdaal ku tegay Imaaraadka la siiyay lacag dhan 1.5 Milyan oo Doolar.
Maamulka Puntland oo heshiisyo iyo xiriiro gaara kula jira dalka Imaaraadka ayaa wararku sheegayaan in loo ballan qaaday lacag taas la mida, iyadoo madaxweyne C/weli Gaas oo Imaaraadka soo maray dhowaan kadib safarkiisii Xajka la siiyay lacagtii loogu talogalay.
Maamulkada Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo laga sugayay dhinacooda inay qaataan go’aano la mida kan Puntland, ayaa soo saaray war-saxaafadeedyo ay ku barbar is-taageen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Maamulka Hirshabeelle madaxweynihiisa oo dhowaan xilka laga qaaday ayaa isaguna si degdeg u shaaciyay inuu taageeradiisa Imaaraadka iyo Sacuudiga. Cali C/llaahi Cosoble ayaa qoraal uu u ditay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Alcuthmani, waxaana uu ku dooday in taageerada uu siiyay Isbaheysiga Imaaraadka iyo Sacuudiga dartiis xilka looga qaaday.
Go’aankii madaxweynaha Galmudug soo saartay xalay oo madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ka qaatay arrinta Khaliijka ayaa waxaa ka hor yimid ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ee Jubbaland ayaan weli wax go’aan ah soo saarin oo ka gaabsaday arrintan, waxaana warar xogogaal ah ay sheegayaan in madaxda qaata go’aannada lagu taageerayo isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay tagaan Dubai si ay dhaqaalahooda uga soo qaataan.
Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa ku guuldarreystay cadaadis ay saareen dowladda Soomaaliya inay bedelaan mowqifka dhexdhexaadka ah ee ay qaadatay, taasoo bedelkeeda loo xil saaray Imaaraadka inuu maamullada Soomaaliya ka horjeedo dowladda Federaalka.
Imaaraadka ayaa hore dhaqaale u qeybiyay madaxweynayaasha maamulada dalka taasoo ku saabsaneyd doorashadii madaxweynaha iyo xildhibaanada Federaalka, taasoo inta badan shaqeyn weyday.
Goobjooge