Afhayeenkii Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqay inuu xilaka iska, isagoo sabab uga dhigay inuusan jirin horumar amni oo aanu tiirsan yahay dadka argagixisada ay leyneyso.
Dabadal ay sameysay mareegta Goobjooge.net ayaa lagu ogaaday in Afhayeenka Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) ay is casilaadiisu ka dambeysay markii xilkii uu hayay loo magacaabay nin lagu magacaabo C/casiis Cali Ibraahim Xildhibaan laba bilood ka hor, balse uu arrintiisa ku dhex jiray wasiirka Amniga oo ay isu dhow yihiin.
Axmed Carab oo hore u ahaa afhayeenka hay’adaha amniga ee maamulka Jubba ayaa xilkan loo magacaabay aakhirkii Bishii April, waxaana gaabis ahayd shaqadiisa wasaaradda amniga isagoo u muuqday nin go’doon ah.
Kadib markii xilkiisa loo magacaabay afhayeenka cusub ayay suuragal noqon weysay inuu wasiirka ka dalbado Sayid Carab inuu xilka ka tago iyadoo dadaal lagu doonayay in xil kale loogu magacaabo uu socon waayay.
Is-casilaadda afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa noqonaya mid aan macne lahayn mar haddii xilkii laga qaaday laba bilood ka hor, balse uu ku joogay rabitaanka Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA
DHAGEYSO: Afhayeenkii Wasaaradda Amniga xukuumada Soomaaliya oo is casilay