Xafladii xil wareejinta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Filish) oo habeenkii Khamiista ee 29-k Ogost ka dhacday xarunta Gobolka Banaadir ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sababta ay uga qeyb geli waayeen madaxda Dowladda Somalia iyo wasiirada xukuumadda Federaalka.
Waxaa xafladda kasoo muuqday marti sharaf kala duwan oo ay ka mid yihiin siyaasiyiinta mucaradka ku ah dowladda, waxaana laga waayey Wasiirada iyo madaxda dowladda Somalia’ iyadoo Goobjooge.net ay ogaatay inuu arrintaas sababteeda lahaa ku-simaha guddoomiyaha G/Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka Ibraahim Cumar Mahad-alla (Ibraahim Dheere).

Xogta ayaa sheegeysa in Guddiga qabanqaabada xafladda oo uu madax u ahaa Ibrahim Dheere aysan wax casuumaad ah ama ogeysiin u dirin madaxda iyo mas’uuliyiinta xukuumadda, arrintan oo uu gaar ahaan ugu xil saarnaa Gudoomiye ku xigeenka, balse uu si ku-talagal ah ama qorshe kale dartiis uga baaqday inuu casuumo oo ku wargeliyo.

Kadib markii ay bilaabtay xafladda xil wareejinta ayaa la sheegay inay yimaadeen su’aalaha ku saabsan madaxda dowladda iyo xukuumadda ee ka maqan xafladda, waxayna qaarkood oo lala xiriiray ay sheegeen inaysan wax war ah ka heynin xafladda, laguna soo wargelin. Guddoomiyaha cusub Cumar Filish ayaa dhinaciisa arrintan kala hadlay ku-xigeenkiisa, isagoo aana ka helin jawaab lagu qanci karo.
