Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in loolanka doorashada xilka Madaxweynaha maamulka cusub ee Hirshabeelle oo maanta dhacaya uu sii adkaaday.
Saddexda Musharax ee xilka madaxweynaha Hirshabeelle u taagan ayaa waxaa ka mida musharax ay wadatay IGAD oo markii hore rajadiisu ahayd mid wanaagsan balse xaalad halis ah soo wajahday.
Cali Maxamed Carraale ayaa hore u ahaa ninka soo saadaaliyay inuu si fudud ku noqon doono madaxweynaha cusub ee maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, laakiin waxa hadda muuqata in xaaladiisu ay isu bedeshay mid liidata.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii musharaxan uu dhaqaale la’aan noqday, isla markaana ay soo baxeen musharixiin ka awood badan taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed, taasoo keentay in xaaladiisu si xumaato.
Cali Caraale ayaa hadda ku jira kaalinta saddexaad, waxaana tartanka adag uu dhex mari doonaa Cali Cabdullaahi Cosoble oo taageero ka heysta dowladda Federaalka iyo Maxamed Cabdi Waare oo isna ah musharax taageero ka heysta xildhibaanda iyo siyaasiyiinta Beesha Xawaadle, dadaal weyna u galay najixinta shirka Jowhar.
XOG CULUS: Itoobiya & IGAD oo Madaxweyne ka soo jeeda Hiiraan ku caleemo saaraya Shirka Jowhar
Goobjooge.com