Tuesday, June 24, 2025

KASHIFAAD: Qodobbo Culus oo hareeyay Kiiska C/raxmaan C/shakuur & Xog laga helay

Kadib markii shalay maxkamadda Gobolka Banaadir lasoo taagay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa soo if baxday qaabka loo weeraray Guriga xafiiska ahaa ee uu deganaa.

Qareenka siyaasiga u dooday Tahliil Xaaji Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in xeer ilaalinta ujeedkeedu ahaa si ay waqti dheeraad ah u helaan, ayna dalbadeen muddo 5 maalmood ah, laakiin la siiyay 24 saacdood.

Doodii Maxkamadda ka dhacday ayaa muujisay in kiiska C/raxmaan C/shakuur ay hareysay laba qodob oo culus, kuwaasoo kala ah:

1- OGOLAANSHO MAXKAMADEED

Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda Gobolka Banaadir ka hor caddeysay inay heysan Qoraal maxkameed oo soo qabasho ah. Xeer ilaalinta ayaa looga fadhiyaa inay tallaabada ciidamada NISA loo adeegsaday ay iska difaacdo.

Arrintan ayaa  ahayd dooda ugu weyn ee Qareenada kasoo jeeda dhinaca C/raxmaan C/shakuur oo ku doodaya in xilliga weerarka lagu qaaday Guriga iyo awoodda fara badan ee loo adeegsaday ay sharci darro ahayd. Wuxuuna Qareenka sheegay in sidaas la sameyn karo oo qura marka fal dembiyeed socda laga hortegayo ama xaalad halis ah ay ka jirtay goobta.

2- EEDA LOO HEYSTO C/RAXMAAN C/SHAKUUR

Xeer ilaalinta ayaa eedo gaaraaya 8 qodob u soo jeedisay C/raxmaan C/shakuur, iyadoo ay hoos tegayaan Qaran dumis iyo khiyaano Qaran, waxayna labadaas qodob u baahan yihiin caddeymo aan shaki ku jirin oo maxkamadda lagu qanciyo.

Qareenka Siyaasiga ayaa qaba inaan la heyn wax caddeyn ah oo muujinaya dembiga weyn ee dusha loo saarayo C/raxmaan C/shakuur, iyadoo aan loogu tegin dembi goobta ka socday, isla markaana qofku ahaa shacab, siyaasi ah oo si caadi ah gurigiisa u joogay.

Xogta Goobjooge.net ay heshay ayaa sheegeysa in caddeymaha ay u heyso eedaha lagu heysto C/raxmaan C/shakuur ee xeer ilaalintu heyso inay tahay fal ay kula jiraan qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo uu xeer ilaaliyaha Axmed Cali Daahir hore u dalbaday in xasaanada laga qaado laba xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON