Thursday, July 17, 2025

KASHIFAAD: Sababtii Wasiirka Amniga xilka uga joojiyay Taliyaha Saldhiga Xamarweyne oo la ogaaday

Wasiirka cusub ee Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqadii ka joojiyay taliyaha saldhigga Afar-irdood ee booliska G/lle Dhexe C/qaadir Axmed Shire (Matootow).Shaqo joojintan ayaa dhalisay muran badan oo saabsan inuu xilka ka joojin karo wasiirka iyadoo taliyaha uu sheegay inuusan wasiirka xilka ka qaadi karin isla markaana shaqo laga joojiyo ay u baahan tahay in loo maro taliska Booliska.

Goobjooge.com ayaa ogaatay sababta shaqada looga fariisiyay Taliye Matootow inay ahayd xaalad aan caadi ahayn oo uu ku sugnaa xilli uu saldhiga Afar Irdood ee uu mas’uulka ka ahaa booqasho kedis ah ku tegay saqdii dhexe ee habeenkii Khamiista wasiir Amniga Maxamed Abuukar Islow.

Taliye Matootow ayaa la sheegay inuu ku sugnaa xaalad sakhraan ah oo saldhiga uu yimid isagoo maankiisu joogin, isla markaana ereyo aan wanaagsaneyn ku dhawaaqaya, waxaana sababta keentay in shaqada laga joojiyo.

Wasiirka Amniga ayaa tan iyo intii xilka loo magacaabay kormeero kedis ah ka waday xarumaha koontaroolada magaalada iyo saldhigyada, waxaana isla habeenkaasi uu booqday saldhigga degmada C/casiis oo taliyaha iyo ciidamada ay heegan ahaayeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON