Xogta laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegeysa in madaxweynihii maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilka iska casilay uu madaxda dowladda Federaalka uga baxay qodob ka mida heshiis qarsoodi oo keenay inuu is casilo.
Shariif Xasan oo is-casilaadiisa uga dhawaaqay magaalada Baydhaba 7-dii November, kadib markii uu kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa la sheegay in is-casilaadiisa ay qeyb ka ahayd inuusan xilka madaxweynaha K/Galbeed u tartamin iyo inuusan taageerin musharixiinta kale.
Xogta laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegeysa in taageerayaasha Shariif Xasan ay la safteen musharaxa Mukhtaar Roobow Cali, iyagoo dadaal ku bixinaya sidii uu doorashada ugu guuleysan lahaa Sheekha, taasoo halis cusub ku dhalisay madaxda dowladda Federaalka ee doonaya inuu xilkaasi ku soo baxo C/casiis Lafta-gareen.
Shariif Xasan oo magaalada Nairobi salka dhigtay kadib markii uu ku baxay heshiis lagu siiyey lacag dhan 1.5 Milyan oo Doolar ayaa halkaas ka wada ololaha doorashada Koonfur Galbeed, waxaana baraha bulshada ee taageeri jiray ay hadda la safteen Musharax Mukhtaar Roobow Cali.
Ololaha Doorashada K/Galbeed ayaa sii adkaanaya, iyadoo hore loo filayey in is-casilaadda Shariif Xasan ay soo dedejiso guusha musharaxa ay wadato dowladda Federaalka, laakiin waxaa mar kale soo baxay caqabadda musharaxa Roobow iyo taageraayaasha Shariifka oo dhinacaas u jabay.