Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahaa Shariif Sheekh Axmed ayaa olole ugu jira inaan beesha uu kasoo jeedo loo magacaabin xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Shariifka oo ahaa musharax u tartamayay xilka madaxweynaha oo ku haray wareegii labaad ayaa kulan uu dhowaan la qaatay madaxweynaha cusub Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tirtirsiiyay inuusan xilkan u magacaabin qof kasoo jeed Beesha Muddulood ama Abgaal.
Arrintan ayuu Shariif Axmed sabab uga dhigay inay beeshiisa wax badan soo qabatay xilalka madaxweynaha iyo wasiirka koowaad, isla markaana ay muhiim tahay inay ka nasato xilalka sare oo fursad la siiyo dadka ka soo jeeda beelaha kale.
Sheekh Shariif ayaa xubno ka tirsan beeshiisa si kale wax ugu sheegay isagoo ku doodaya in eedo badan loo heysto Beesha Abgaal, ayna ku muteysteen xilalkii sare ee hayeen sida madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, iyado aanay jirin garawshiyo iyo aqoonsi waxqabadkoodii, sidaas darteedna ay haboon tahay xilligan inaysan soo gelin madaxda sare.
Goobjooge.com