Madaxda hoggaamisa Dowladda Soomaaliya ee xilligan xilka haya ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwii ugu xumaa ee laaluush u adeegsada warbaahinta xorta ah.
Barnaamijka Bandhiga ee VOA-da ayaa lagu soo bandhigay Xaaladda ay ku sugan tahay Warbaahinta xilligan oo qarka u saaran inay xornimadeeda meesha ka baxdo, iyadoo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay kharash bille ah u qortay warbaahinta, waxaana ilaha ugu waaweyn ee bixiya ka mida Xafiiska Madaxtooyada, kan Ra’iisal Wasaaraha iyo Wasaaradda Maaliyadda.
Mxuuu noqon doonaa mustaqbalka warbaahinta Soomaaliya? Maxayse tahay danaha laga leeyahay in warbaahinta la musuq maasuqo.
HOOS KA DHAGEYSO