Monday, June 23, 2025

KASHIFAAD: Tirada dhabta ah ee xildhibaanada la baxay Madasha Hore-u-socod oo la ogaaday…?

Xildhibaanada la baxay Madasha Horeusocod ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Nairobi ayaa la ogaaday tiradooda dhabta ah ee ay ka kooban yihiin.

Xildhibaanadan ayaa hore loo sheegay inay gaarayaan 100 xildhibaan, waxaa kaloo warbaahintu shaacisay inay dhan yihiin 80 xildhibaan, laakiin shirkoodii magaalada Muqdisho ee Khamiistii ayay kasoo muuqdeen 10 xildhibaan oo qura.

Xildhibaanada ka qeyb galay shirkii Muqdisho ayaa intooda badan kuwo aan caab ahayn oo looga baran siyaasadda, marka laga reebo guddoomiyahooda C/rashiid Xiddigna waxaa ka dhex muuqday agaasime ku xigeenkii madaxtooyada ee dowladii Xasan Sheekh xildhibaan Saadaq C/kariin.

Ad

Ilo xogogaal ah ayaa Goobjooge.com u sheegay in tirada guud ee xildhibaanada Horeusocod  ay tiradoodu tahay ilaa 20 xildhibaan oo aanay waxba ka jirin tirooyinka badan ee hore loo shaaciyay.

“Ma jirto 20 xildhibaan oo Nairobi isugu timid ma jirto, wax shir ah oo Nairobi ka dhacay oo rasmi ahna ma jiraan.. transit ayaan ku ahayn oo xildhibaano safar ku socday iyo kuwo kasoo socday..” ayuu yiri C/rashiid Xiddig oo galabta ka qeybgalay barnaamijka dooda Jimcaha ee VOA-da.

Xildhibaanada kasoo haray, kuwii kasoo dhex muuqday shirkii Khamiistii ee Muqdisho ayaa ah wasiiro ka tirsanaa dowladii Xasan Sheekh oo si gaara ugu dhowaa madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh, kuwaasoo aan dooneyn inay saxaafadda kasoo muuqdaan.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON