Monday, July 14, 2025

KASHIFAAD: Waa kuma Ra’iisal wasaare ku xigeenka cusub ee Soomaaliya..? (Ma Itoobiyaan baa mise Somaliland..?]

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xilka ra’iisal wasaare ku xigeenkiisa u magacaabay nin sharci yaqaan ah oo siyaasadda ku cusub oo warar kala duwan kasoo baxayaan xaaladiisa

Haddaba waxaan dib u eegeynaa shaqsiyadda iyo taariikhda ra’iisal wasaare ku xigeenka magacaaban eee xukuumadda Soomaaliya Garyaqaan Mahdi Maxamed Guuleed oo kasoo jeeda Soomaalida muddo dheerna kasoo shaqeeyay Zoonka Shanaad ee Itoobiya.

Avv. Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) wuxuu markii ugu danbeeyay ka tirsanaa xisbiga UCID ee maamulka Somaliland isagoo saaxiib la ah guddoomiyaha ururkaasi Feysal Cali Waraabe oo u magacaabay xubinta xisbiga UCID ee Guddiya Doorashooyinka Somaliland xilkaasoo uu yahay ilaa iminka.

Waa kuma Garyaqaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)..?

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ah nin Sharci yaqaan, macalin sharciga ka ahaa Jaamacada Hargeisa.

Taariikhdiisa waxbarasho:

Waxa uu waxbarashadiisii Hoose/dhexe ku soo qaatay dalka Ethiopia, gaar ahaan magaalada Adis ababa.

Sanadkii 1996-1999: Waxa uu galay kulliyada sharciga ee ‘Ethiopian Civil service collage’ isagoo ardaygii ugu sareeyay kulliyadda.

2008: waxa uu diyaariyaa shahaadada sare ee Master-ka ka qaatay jaamacad ku taal dalka koonfur Africa, kuna takhasusay xeerka  dhaqaalaha caalamka, xeerka caalamiga ah iyo baarista sharciga.

Waayo aragnimadiisa shaqo:

Ku-simaha xafiiska Caddaalada ee Gobolka Shanaad ee Somalida Ethiopia.

November 1999 — march 2001: Madaxa ciqaabta iyo Madaniga Somalida Ethiopia.

November 1998 — 1999: Xeer ilaaliyaha kiisaska ciqaabta Somalida Ethiopia

January 1999 — March 1999: La-taliye sharciga ee Gudida diyaarinta sharciyada ee kilinka Shanaad ee dalka Ethiopia.

April 1999 — March 1999: Xeerka Ganacsiga ee thiopia ayuu u tarjumay Af Soomaali.

August 2000 — October 2000: Tababarre xeerka ciqaabta ah.

November — December 2001: Waxa uu tarjumay xeerka Naas-nuujinta.

February — March sanadkii 2002: La-taliye sharci wasaarada Cadaalada.

2002 — 2004: Wuxuu aasaasay Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeysa.

Bishii June — October 2004: Waxa uu diyaariyay xeerka Ganacsiga Somaliland.

2002 — 2005-tii Wuxuu noqday La-taliyihii sharciga Guddiga Doorashooyinka Somaliland

2003 — 2008: Wuxuu la soo shaqeeyay  Hay’da UNDP gaar ahaan Barnaamijyadeeda Maamul wanaaga iyo meelmarinta sharciga.

2008 wixii ka danbeeyay wuxuu macalin ka ahaa kulliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeisa.

2008 – Xisbiga UCID ayaa u magaabay xubin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Somaliland

March 2017: Waxaa loo magacabaay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON