Wednesday, June 25, 2025

KASHIFAAD: Wasaarad laga reebay Golaha wasiirada oo shaki weyn dhalisay

Wasaarad ka mida wasaaradaha ay ka koobneyd Xukuumada Soomaaliya ayaa laga reebay Golaha wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyadoo aan la ogeyn in si ula kac ah loo baab’iyay wasaaradaasi iyo in dib laga magacaabi doono. Waxaan kaloo la ogeyn inay ku dhex luntay kala bedelkii lagu sameeyay golaha wasiirada oo qaarkood saacadihii ugu danbeeyay la kala bedelay.

???????????????????????????????

Wasaarada Tacliinta Sare ayaan ka mid ahayn wasaarada xukuumada uu magacaabay Ra’iisal wasaare CCC, waxaana waaxda Hidaha lagu daray wasaarada Warfaafinta. Waxaa isa soo taraya shaki ku xeeran arrintan oo laga cabsi qabo in si ogaal ah loo baabi’iyay wasaaradan oo ah mid howl muhiim ah heysay xukuumadii ugu danbeysay oo uu wasiir ka ahaa Ducaale Aadan.

Sharci nidaaminaya jaamacadaha iyo shuruudo lagu xirayo furashada jaamacadaha ayaa ka mid ahaa qorsheyaashii wasaaradaasi, waxaana dhici karta in arrintaas darteed looga tegay, iyadoo la ogyahay in madaxweynaha iyo laba ka mid saaxiibadiis wasiiro loo magacaabay ay ka mid ahaan guddiga sare ee mid ka mida jaamacadaha ka jira Muqdisho.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON