Saturday, April 27, 2024

XOG CUSUB: 50 xildhibaan oo ka mid ahaa taageerayaasha Madaxweynaha oo mowqif cusub la soo baxay

In ku dhow 50 xildhibaan ooa ka mid ahaa taageerayaashii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kana qeyb qaatay ridistii xukuumadii C/weli Sheekh, safka horena uga jiray xildhibaanada laga soo dhoweeyo madaxtooyada ayaa shir ay maanta ku yeesheen Hotelka Naasa-hablood 1 waxay ku dhawaaqeen inay mowqif cusub ka qaateen siyaasadda dalka iyagoo caddeeyay inaan mar danbe loo adeegsan doonin dano gaara oo koox leedahay.

Xildhibaanadan oo ay hormuud u yihiin C/llaahi Goodax Barre iyo Ubax Tahliil Warsame ayaa shirkooda ku saabsanaa kadib markii sharaf darro iyo balan ka baxyo ku dhaceen ayna qaadan waayeen qaabka ay ula dhaqmeen  madaxweynaha iyo kooxdiisa. Ubax Tahliil ayaa la sheegay inay si kulul u cambaareysay madaxweynaha iyo saaxiibadii iyadoo ku goodisay inay ku balameen tallaabooyin adag oo ay ka qaadi doonaan xukuumadda cusub ee Cumar C/rashiid soo dhisay.

Dhismaha xukuumadda cusub ee CCC ayaa u muuqata inay soo jiidatay cambaareyn weyn oo ka imaaneysa xitaa xildhibaanadii isu heystay inay wax ka heli doonaan Golaha wasiirada cusub. Waxaase muuqata in inta badan xildhibaanada Baarlamaanka ay ka soo horjeedaan iminka xukuumadani inkastoo ujeedooyinku kala duwan yihiin.

Ad

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON