Sunday, July 13, 2025

KASHIFAAD: Wasiir Maaliyadda Somalia oo lacag ka badan 100-kun Doolar ku iibsaday Gaari Bulletproof ah

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka mida wasiirada ugu shaqada badan xukuumadd Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu iibsaday Gaari nooca aanay rasaastu karin ah ee Bulletproof.

Sida ay muujineyso qoraalka xisaabxirka kharashka uu adeegsaday wasiirka Maaliyadda oo ay saxaafaddu heshay ayaa wasiirka iyo xogheyntiisa ku isticmaaleen lacag ka badan Nus Milyan Doolar muddo 5 bilood ah taasoo celcelis ahaan bishii noqoneysa  100,000 Doolar.

Lacagta ugu badan waxaa lagu iibiyay baabuur uu ka mid yahay nooca madaxdu ku socoto ee aan rasaastu karin oo loogu iibiyay wasiirka lacag dhan 115-kun dooalar, iyo hotelka jazeera oo ay degan yihiin xogheynta wasiirka, iyadoo ay soo raacdo kirada guriga wasiirka.

Dhaqaalaha fara badan ee ku baxa madaxda dowladda ayaan loo sinneyn, waxaadna arkeysaa in qaar ka mida wasiirada aysan heysan lacag ay isaga bixiyaan kirada hoteeladda ay degan yihiin, qaarkoodna lagu leeyahay deymo kiro ah oo loo heysto, taasoo muujineysa inay kala awood badan yihiin wasiirada xukuumadda.

Ma cadda in lacagta laga bixiyay khasnadda dowladda, waxaase ka muuqata inay loo diyaarisay si loo bixiyo, taasoo dowladda Soomaaliya oo ku tiirsan ilaha dhaqaalaha Muqdisho iyo kaalmada dibadda ay ku adag tahay hal wasiir oo qura kharash intaas la eg ku baxo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON