Friday, April 19, 2024

KASHIFAAD: Xildhibaan Fowsiya oo bilowday Mooshin nooc cusub ah oo Ra’iisal wasaare lagu magacaabayo

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa magaalada Muqdisho ka bilowday olole nooc cusub ah oo aan hore loo arag kaasoo ku saabsan qofka loo magacaabayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Qorshaha mooshinka ayaa ujeedkiisu yahay in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo lagu cadaadiyo inuu jagada Ra’iisal wasaaraha u magacaabo Dr. C/naasir Cabdulle Maxamed oo hore uga mid ahaa musharixiinta madxaweynaha.

Dr. C/naasir ayaa xiriir qaraabanimo kala dhaxeeya Fowsiyo maadaama uu adeer u yahay caruurteeda, waxaana mooshinkan oo ah mid ku cusub baarlamaanadii Soomaaliya soo maray. Waxaaba lagu doonayaa in lagu helo saxiixa 140 xildhibaan, taasoo keeni karta in cadaadis lagu saaro madaxweyne Farmaajo magacaabidda musharaxa heysta taageerada iyo codka xildhibaanada si  aanay dhibaato ugu noqon helista kalsoonida Baarlamaanka.

Ad

Saxiixa mooshinka ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana la soo weriyay inay durba saxiixeen tobanaan xildhibaan oo taageersan in Ra’iisal wasaare loo magacaabo C/naasir Cabdulle Maxamed.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON